Wararka nagaa soo gadhaay Soomaaliya ayaa sheegaya inuu dagaalo fool ka fool ka qarxay 24 sac u dambeyay oo udhaxeeyo ururka Al Shabaab iyo ciidamada Shisheeyaha.

Siida aan xogta ku helnyay dagaalyahaan katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qadaay saldhig ay ciidamada Kenya ku leyihiin degmada Kulibiyo oo katirsan gobolka Jubada Hoose, kadibna dagaal fool ka fool ayaa dhex maray labada dhinac.

Sarakiisha Jubaland, Dowlada Federalka iyo Kenya weli kama hadlin weerarka ka dhacay degaanka Kulbiyo.

Dhinaaca kale Al Shabaab ayaa weerar ku qadaay saldhiga ay ciidamada Shisheeyaha kasoo jeedan dalka Burundi ku leyihiin degaanka Buurane oo katirsan gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana laga sheegay inay labada dhinac kala adeegsaden hubka nocdiis kala duwaan.

Dagaalada u dambeyay ayaa imaanaya xili ay qaramada Midobe ka codsaday dhinacyada isheysto inay xabad joojin aqbalaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.