Wararka laga helayo koomfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ka fulisay magalaada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta Jubbaland, Cabdi Xussen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in duqeymahaas lagu bartilmaameestay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee uusan shaacin Magacyada Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab.

Ragga lagu laayay duqeyntaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan horjoogyaashii Shabaab ee gobbolada Jubbooyinka ee kala firxaday markii laga qabsaday magaalada Kismaayo 2012kii.

Siido kale, ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ururka hubeysan ee Xarakada Al Shabaab.

Halgan Media.