Warbaahinta dalka Denmark waxa ay maanta ku dhawaaqday in ay bilaabatay dhaqan galinta mamnuucitaan lagu soo rogay in bulshada dhexdeeda lagu xirto indho shareer.

Baarlamaanka Denmark ayaa bishii 5aad ee sannadkaan Tallaabadaasi meel mariyay. Galinka dambe ee maanta ayaa la qorshaynayaa in uu dhaco mudaaharaad lagu diidan yahay arrintaas oo ay ka qayb qaadanayaan dumar Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslimiin ahayn, iyaga oo ka dhago adaygaya sharcigan cusub.

Hay’addaha Ammaanka waxa ay xaq u leeyihiin in ay dul dhigaan ganaax 160 doolaar ah marka koowaad ee Sharcigaasi la jabiyo. Booliiska ayaa awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka dalbadaan in ay ka tagaan goobaha ay bulshadu wadaagaan.

Haddii uu ruuxu afar jeer sharcigaas jabiyana waxaa lagu ganaaxi karaa 1500 oo doolar. Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ku yaalla ayaa horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah in bulshada lagu dhex xirto niqaab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.