Wararka laga helayo Waqooyiga Itoobiya ayaa ku warramaya in dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ku tallo xaduudka udheexeyo Ismaamulka Axmaraada iyo Ismaamulka Tigreega.

Waxaana la sheegay in dhaq dhaqaaqyadu ay yihiin kuwa lagu talagalaay in Amniga la xaqijiyo kadib markii isku dhacyo farabadan dhex maray Qomiyada Tigreega iyo Axmaraada oo kudhaqaan xaduudaha labada Mamuul.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi, kuwaas oo durbo bilaabay barakac xoogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.