Wararka naga soo gaaraya gobolka Ismaamulka Shucuubta Koonfured ayaa sheegaya in maanta Ciidamada milatariga dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa isku fidiyay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Kanso iyo Ganda ee gobolka Shucuubta Koonfured.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in u joodkoodu uu yahay xaqiijinta amniga waddadaasi. Inta badna Maleeyshiyaad hubaysan iyo kooxo burcad ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.