Taliska Muuse Biixi ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in xukuumaddiisu joojisay saldhigii militari ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya.

Taliska Muuse Bixi iyo wafdi kasocdo Maleeyshiyaadka SNM oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayaa halkaasi ka shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraatka Carabta.

Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale Muuse Bixi ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay imaan doonto shirkaddii dhisi lahayd garoonka diyaaradaha Berbera oo sida uu tilmaamay noqon doona garoon weyn 5KM ah.

Mamuulka ka talloyo Waqooyiga Soomaaliya la magac baxay Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hore u kala saxiixday heshiis ka kooban lix qodob oo uu kamid ahaa in Imaaraadku saldhig militari ka dhisto magaalada Berbera ee ku taalla xeebta badda Cas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.