Magaalada Naziret oo xarun u ah Oromada ayaa waxaa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali, halka lagu dhaawacay 20 Qof oo kale.Dadka deegaanka ee ku sugan Magaalada Naziret ee xarunta Oromada waxaay sheegeen in dhowr qof oo soomaali ah ay dileen dad Oromo ah , isla markaana dhaawac u geystay 20 kale oo kuwaasi oo ku sugnaa Magaalada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka Soomaalida ah ee jooga Naziret ay dhibaato xooga ku haayan qoomiyada Oromada,iyadoona dilal iyo dhac u geysta dadkaasi.

Arrintaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili colaada Somalida iyo Oromada udheexeyso oo sii kordhay, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan Soomaali.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.