Dabley hubeysan oo aan heybtoodo la garanayniin ayaa labo qof xalay ku dilay degmaada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Koox ku hubeysan bistoolado ayaa xalay rasaas la dhacay labo qof oo shacab ah, kadibna goobta ka baxsaday.
Hayadaha amaanka oo ka howlgallo magaalada Muqdisho weli kama hadlin dilalka xalay ka dhcay degmada Kaaraan, mana muqato tilaabo rasmi ah ay qadayaan hayadaha amaanka si logu hor tago dilalka qorshaysan.
Muddadi ugu dambeysay, waxa caasimada Muqdisho kuso batay dilaal joogta ah oo ay geysanayan kooxo ku hubeysan bistoolado iyo baangado taas oo ay dhac iyo dil u geysanyaan dadka rayidka ah.
Halgan Media