Diyaarad nuuca rakaabka ah oo nuceedu yahay Boeing 737 ayaa burburtay waxyar uun kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoona waqtigaasi kusiijeeday magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya.

Diyaaradan burburtay ayaa la’aaminsanyahay in ay saarnaayeen 149 ruux oo 8 kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha diyaarada.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter’ka waxa uu uga tacsiyeeyay dhamaan eheladii ay dhaafeen dadkii shilkaasi naftooda ku waayay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa loo diray kooxaha gurmadka deg dega ah iyadoona halka ay diyaaradu kusoo dhacday 60km ay u jirto koonfur bari caasimada dalkaasi ee Addis Ababa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.