Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday dowlad cusub una qabilsan degaankooda mamulkiisa oo mudda 5 sano xilka heyneysa.

Dhawaan ayey aheed markii ay Ismaamulka Tigreega qabteen doorasha heer degan ah oo ka madaxbanaan dowlada federalka, waxaana dib loo doortay Kooxda TPLF oo xukunka Itoobiya heysta 27 sano.

Go’aanka cusub ee ka soo baxay kooxda TPLF ayaa dhabar jab weyn ku ah xukuumada RW Abiy Ahmed oo wajaheysay mudooyinkii udambeysay culesyo siyasadeed, mid gudaha ah Iyo mid dibada ahba.

Mana la ogo meesha ay ku dhamaan doonto xiisada u dhaxeeyso TPLF Iyo dowlada federalka Itoobiya, anaga oo og in xalaada Itoobiya ay mareyso meeshii uga xumed.

Halgan Media.