Itoobiya ayaa xirtay dhamaan xuduudaheeda si ay uga hortagto faafitaanka cudurka Coronavirus, sidda ay warbaahinta dalkaas kasoo xigatay Xafiiska Ra’iisul Wasaare dalkaasi Abiy Axmed .

Wargeyska Addis Standard ayaa baahiyey in sidoo kale Abiy uu amray in la karan-tiilo dhamaan dadka galaya gudaha waddankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah, 23-ka Maaj, sanadka 2020 ilaa tiro aan la cayimin.

Sidda ay muujinayso warbixinadda, xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale ku dhawaaqdey in ay dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus u diyaarisay shan milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Go’aanadaan, sidda laga soo xigtay jaraa’idka, ayaa kasoo baxay kulan uu Abiy la yeeshay madaxda laamaha kala duwan ee ammaanka.

Talaabooyinka ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya in dowladdu soo rogi doonto bandow dadka faraya in aysan kasoo bixi guryahooda.

Itoobiya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay 11 kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Balse waxa ay fariisin u noqoneysaa halka laga daadgureynayo deeq balaaran uu Shiinaha ugu talagalay qaarada Afrika.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.