Dowladda Mareykanka gaar ahaan ciidamadeeda u qaabilsan hawlgalka Afrika ee Africom loo soo gaabiyo ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah lugana beegsanayay dagaalamyaasha Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barow ee hoostaga gobolka Shabeelada Hoose

War saxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in weerarka dhanka cirka ah ay si wadajir ah u fuliyeen, iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayay sidoo kale ciidamada mareykanka u qaabilsan hawlgalada afrika gaar ahaan geeska afrika ku sheegeen in ay ku dileen mid kamid ah dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Madaxa hawlgalada Africom ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu tusaale u yahay cadaadiska ay ciidamada Mareykanka ee Afrika saarayaan shabakadaha hubaysan ee xiriirka al-Qacida sida dagaalamyaasha al-Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.