Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay baaq ka soo baxay Madaxda dalalka ku midaysan isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen, kuwaas oo ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad ah.

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay, si soo afjaro loolanka siyaasadeed iyo midka colaadeed ee gudaha yemen.

Dowladda Soomaaliya, ayaa muujisay taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobay iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida dalka Yemen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.