Dowlada Turkiga waxay qunsuliyad ka furatay magaalada Garoowe ee Xaruunta gobolka Nugaal, waxaana furitaankii qunsuliyadda Turkiga ee Garoowe goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Safaaradda Dowladda Turkigu ku leedahay Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka mamuulka Puntland Axmed Karaash.

Saraakiisha Safaaradda Turkiga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, ayaa ka wada-hadlay furitaanka Xafiis ay si ku meel gaar ah ugu shaqayn doonto Qunsuliyadda Turkiga ee Puntland, kaas oo qaabilsan bixinta adeegyada fiisaha dalkaasi.

Dadka ku nool Puntland ayaa Qunsuliyadda ka heli doonaan fiisihii Turkiga ee ay ka doonan jireen caasimada Muqdisho.

Halgan Media.