Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida saxafigii u dhashay dalkaasi ee la baadigoobayay.

Wakaaladda wararka ee sucuudiga ayaa sheegtay in Jamaal Khaashuqji uu geeriyooday ka dib markii ay dagaalameen isaga iyo dad ku sugnaa gudaha qunsuliyedda Istanbul, dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran iyo dhex maray saxafiga iyo dadka dilay.

Dowladda waxa ay sheegtay in tilaabo laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay dilka wariyaha.

Sucuudiga ayaa sheegay in 18 qof loo xiray arrintan isla markaana xilkii laga qaaday taliye ku xigeenkii sirdoonka iyo la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha sucuudiga.

General Axmed al-Assiri wuxuu ka mid yahay saraakiisha sirdoonka uu aadka ugu kalsoon yahay Amiirka dhaxal sugaha, boqortooyada Sacuudi Carabiya Amir Maxammed bin-Salman, ninkani oo soo ahaa sargaal sare oo ciidamada cirka mudda sanad ka badan wuxuu sirdoon ahaan uu uga soo shaqeeyey Dagaalka Yemen ka socda oo ay wadaan xulafada uu Sacuudigu horkacayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.