Ugu yaraan 20 ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhimatay duqaymo ka dhacay gudaha dalka Afqaanistan gaar ahaan gobolka lagu magacaabo Kunar.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowlada Afghanistan bartilmaamydka weerarkan ayaa ahaa Taliyaha ciidamada dalka Afqaanistan Sharif Mawiya.

Dowlada Afqaanistan Sidookale waxa ay sheektay in duqaymihii ugu danbeeyay ay labirtilmaamayd sanayeen kooxda Taliban ay ku dileen dhowr kamid hogaamiyaasha ururkaas.

Sida laga soo xiganayo qaramada midoobe weeraradi dhacay sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay oo ay sida wada jirka ah u fulinayeen  dowlada Afghanistan iyo tan mareykanka ayaa waxaa ku dhintay shacab gaaraya 313 ruux halka ayadoona sidookale ay ku dhaawacmeen dad gaaray 336 ruux taas oo 39 boqolkiiba kabadan markii loo eego sanadkii lasoo dhaafay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.