Qof shacab oo ka mid ah dadka degaanka ah ayaa ku dhintay duqeyn ee ciidamada Maraykanka sakaay ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dheexe, waxaana magaciisa naloogu sheegay Maxamed Macaalin, sidoo kalana waxa duqeynta ku burbuuray hanti badan ay laheyn dadka degaanka.

Sidoo kale dowlada Maraykanka ayaa isla degaanka Jilib shalay duqeyn ka geysteen, waxaayna sheegen inay dileen dagaalyahaan katirsan Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan Jubboyinka oo ay joogaan Xarakada Al Shabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa, kadib markii hal malin kadib ay diyaaradaha mareykanka duqeymo ka fuliyeen isla degmaada Jilib, waana duqeynta 2aad ee Dowlada Maraykanka ka fuliyeen gobolka Jubada Dheexe 48 sac u dambeysay.

Dhinaca kale Mas’uuliyiinta katirsan mamuulka Jubbaland oo ay la xariirtay shabakada Halgan Media ayaa sheegay in aysan ka war qabin duqeynta balse faah faahinteeda ay dib ka soo sheegi doonaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.