Wararka laga helayo gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday tuuloyin hoos yimaado degmada Ceel Waaq ay kamid yihiin Yaaqle, Iikooley iyo Bur Calaan.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federalka iyo dhanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.