Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta mar kale ka qarxay tuulada Daakhato oo hoos timada degmada Gursum ee gobolka Fafaan.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Beelo walaalo ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Isku-dhacyada Beelahaan walaalaha oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa salka ku haysa Dhul-daaqsimeed ay isku hayaan. Ugu yaraan hal Qof ayaa ku dhintay dagaalka iyo sedax kale oo dhawaac garaay.

Tuulada Daakhato oo hoos timada degmada Gursum oo ay xiisaddan ka aloolsan tahay ayaa ku yaala xadka udheexeyo Ogadeniya iyo gobolka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.