Waxaynu markale daaha ka qaadaynaa aragtida ku aadan in caabuqa Corona Virus yahay mu’aamarad loo soo maleegay qaab nidaamsan oo taariikho cayiman oo iskumid ah leh, xanuunada faafa ee noocan ah sida aan taariikhda ku hayno qarni walba way dhacaan, qarniyadii ay dhaceenna waa 1720, 1820 iyo 1920 laakiin xanuunkan Corona isagu wuu ka duwanyahay xanuunadii qarniyadii hore dhici jiray kuwaas oo inta badan ahaa daacuun calool iyo xanuunka looyaqaano Bacteria Malaria, mu’aamaradahaas oo haatan uun lagu baraarugay markii uu caalamka qaab safmar ah ugu faafay cudurka dilaaga ah ee Corona sanadkan 2020, waxaa kale oo faalladeenan qayb ka noqon doona ha’adda WHO oo markale soogudbisay warbixin muran wayn dhalisay, oo ku saabsan cudurkan Corona iyo canbaarayn xad dhaaf ah oo loojeediyay Dhakhaatiirtii Franceska ahaa ee soojeediyay in talaalka cusub ee loosamaynayo Viruska Corona lagu tijaabiyo Qaaradda Afrika.

Faafitaanka cudurkan Corona oo ku soo beegmay sanadkan 2020 oo aan si cilmiyaysan dabagal iyo baadhitaan qodo dheer ugu sameeyay ayaan ku ogaaday inuu qayb kayahay silsilado xidhiidhsan oo cudurada faafa ah oo boqolkii sanaddood marka ay buuxsantaba dunida isku balaadhiya khasaare ba,anna gaysta, waxaana tusaale taariikheed usooqaadan karnaa in sanadkii 1720 uu dunida ka dilaacay cudurka daacuunka oo dacal ilaa dacal ku faafay, gaystayna dhimashada 40 Malyan oo qof.

Boqol sanadood ka bacdi 1820 ayaa hadana waxaa caalamka wada saameeyay cudurka Coloraha daacuunka kaa soo xiligaa dilay dad gaadhaya boqolkun oo qof, waana cudurkii loobixiyay daacuunkii Aasiyanka, waxaa uuna ka bilaamay meel u dhow magaalada Kalkata isagoo ku faafay Konfur bari Aasiya odhan ilaa Bariga Dhexe, Bariga Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah, inkastoo daacuunkaasi ku faafay Hindiya mararbadan oo hore hadana xiligaa waxa uu isaga talaabay inta u dhaxaysa China ilaa Bada Madeterianka, boqolaalkun oo qof ayaa u dhintay cuduradan faafa, kuwaas oy kujireen askar badan oo Egland ahayd oo joogay dalalkii ay gumaysanjireen, isagoo cudurkaasi saameeyay wadankasta oo Aasiya ku yaala.

Hadana mar kale boqolsano kabacdi oo ku beegnayd 1920 waxaa dunida ku faafay cudurkii loobixiyay Hargabkii Spain kaas oo loohaysto inuu ahaa cudurkii gaystay dhibaatadii ugu xumayd ee cudurada faafa u gaysteen caalamka iyo bulshooyinka kunool, waxaa uuna ku dhacay dad gaadhaya 500 Malyan oo qof, tiradaas oo xiligaas u dhigmaysay 25% tiradii guud ee dadwaynihii caalamka kunoolaa wakhtigaas, isagoo cudurkaasi dilay dad tiradoodu u dhaxaysay 50 malyan ilaa 100 malyan oo qof.

Hadana markale boqolsanadood ka bacdi oo ku beegan xilligan aynu joogno ee 2020 waxaynu goobjoog unahay inuu caalamka ku faafay Viruska Corona oo ah cudur la bah ah Hargabka laakiin dilaa ah, kaasoo mudo sadex bilood oo kali ah ilbaxnimadii dunida iyo horumarkii ay sheeganayeenba ka dhigay hal bacaad lagu lisay, marayana marxalad halis u ah, oo uu habeen walba dilayo boqolaal qof okale isla markaana aan loo haynin talaal iyo Daawayn toona, waxyeeladiisuna aanu ku koobnayn dhibaatadiisa caafimaad laakiin khatarta uguxun u gaystay hanaankii nololeed ee bulshooyinka caalamka oo dhaqaalahoodii iyo shaqooyinkoodiiba hagaasiyay, xidhiidhkii iyo isu socodkii dhexdooda ahaana xayiraad saaray.

Tusaale ahaan qaaradda Afrika oo ah ta ugu khasaaraha yar marka laga hadlayo waxyeelada Viruska Corona ayaa laga yaabaa inay Afrika 20 Malyan oo shaqo kuwaayi doonto saamaynta cudurkan maadaamoo la filayo in kobicii dhaqaalaha qaaradu sanadkan hoos udhac la kulmo sidoo kalana 15% maalgashigii shisheeyaha ee tooska ahaa uu baaqan karo, waxaa kale oo laga yaabaa in xukuumadaha qaaradu ay khasaari doonaan 20% ilaa 30% dakhligoodii maaliyaddeed kaas oo isugayn lagu qiyaasi karo 500 Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Arragtida aan qabo ee ku aadan mu,aamaradan Corona Virus ayaa ah in wadamada ay ku noolyihiin bulshooyinka loogu yeedho (Bilyankii Dahabiga ahaa) oo ah wadamada hurumaray sida Maraykanka, Midowga Yurub, Jabaan iyo Austrelia ay dadwaynaha kunooli boqolkiiba 15% oo kali ah ka noqonayaan tirada guud ee dadwaynaha caalamka, hadana waxay helaan 75% khayraadka dunida, bay’adda ay kunoolyihiina waxa ay kusiidaayaan 75% xashiishka dalalka caalamku daadiyaan ee keena wasakhowga hawada, hadii markaas dadka kalee caalamka kulanool 85% noqonaya ay doonaan inay u noolaadaan sida ay reer Yurub, Maraykan iyo Jabaan okale ay unoolyihiin khayraadkii dunida yaalayna kuma wada filaanayo labada qayboodba, taasina waa sababta ay udoonayaan inay u dilaan kalabadh dadwaynaha caalamka, maadaamoo ay reer Yurub okale dhalmayaraantooda awgeed ay ka baqayaan inay aad usii tiro yaraadaan bulshooyinka kalana sida Aasiyaanka iyo Afrikankuna ay si xad-dhaaf ah usii tarmaan oo tirada dadkoodana boqolkiiba inta badan kujiraan dadii dhalinyaranimada, waana xili walwalka noocaas ahi soojiray mudo dheer oo uu sanadkii 1974 dublamaasigii Henery Kisincher oo xiligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda maraykanku uu soo gudbiyay warbixin dulucdeedu ahayd in dalalkii dunida sadexaad ay u horumarayaan qaab aanay kujirin maslaxada dalka Maraykanku, waxaa uuna ku taliyay xiligaas in si deg’deg ah loodhimo tirada dadwaynaha ee dalalka dunida sadexaad.

Warbixin ay arrintaas ka samaysay shabakada warbaahineed ee Dochafel ee dalka Jarmalka ee Idaacadaha, Tallefetionada, Wargaysyada iyo mareegaha kale ee warbaahineedba isugujirta waxaa lagu sheegay in shirkadaha waawayn ee dalka Maraykanka sida Role Filer iyo Ford ay ku lugyeesheen talaal dhasha lagaga talaayayay haween badan oo kunool dalalka China, Hindia iyo Kuriyada Konfured, taariikh ahaana shucuubta reer Galbeedku waxay horay usameeyeen falal xasuuq ah oo kuwa laga baqayo lamid ah, sida baa’bi intii ay ku sameeyeen malaayiintii Hindida cas ee America iyo Austrelia kunoolaa amaba Atomic Babkii ay ku dhufteen Jabanka sanadkii 1945 kaas oo ayna ka warhaynin tirada dadka uu dili karo iyo waxyeelada uu gaysan karo toona laakiin ay rideen iyagoo ku qanacsan natiijada ka dhalan karta, sida xitaa haduu khariirada kamasixi lahaa qaarada indo China oo tirada dadka ugu badan ee caalamku kunoolyihiin, maantana ma aha mid la iska fogayn karo inay boqolaal malyan kudilaan dhulka xuduudahooda ka baxsan hadii ay ka dhex arkayaan maslaxadooda.

Rasia & China laftooduna ma aha kuwo ka danbi yar dalalka reer galbeedka oo Josof Istarlinki malaayiin qof waxaa uu kudilay xiligii dagaalkii 2aad, Fladimir Putunna uu dal dhisan guud ahaantii duqayn ku burburiyay oo anay daar kali ahi maanta suuriya kutaala dhagaxna dhagax korsaarnayn dadkeediina wax la dilay iyo wax dibadaha loo qixiyay laga dhigay, Ukrain oo ahayd kuwii cid ugu xigay ee Soviteka kala tirsanaana uu faladamir Putin qayb kamid ah ku darsaday dhulkiisa, taas oo ah Jasiiradda Kraimia haday ka dagaalami lahaayeena uu diyaar u ahaa inuu laayo dhamaan dadka reer Ukrain.

La socda qormooyinka kale

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com