Konton iyo Afar (54) maalmood kaddib oo Soomaaliya ku sugneyd Xukuumad la’aan, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo wuxuu xilka Ra’isul Wasaare u magacaabay Injineer Maxamed Xussein Rooble oo muddo dheer ka soo shaqeynayay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Shaqada iyo Shaqaalaha.
Aqoonta iyo waayo aragnimada Injineer Roble ka sakow, waxaa tijaabo galaya hoggaamintiisa (leadership) ummaddda Soomaaliyeed oo ay haystaan dhibaatooyin lixaad leh.
Waxaan ilaahey ka baryaya inuu Injineer Roble la garab galo gudashada xilkaas culus, waafajiyo dariiqa toosan, kana badbaadiyo fashil iyo qoomamo. Soomaaliya waxaa ka lumay afar sano oo aad u qiimo badan hoggaamin xumo, daacad-darro, iyo ku tumashada sharciga dartood.
Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha waxay timid kaddib markii Madaxweyne Sicid Cabdullaahi Deni ee DG Puntland, Madaxda Madasha Xisbiyada Qaranka (MXQ), gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud, iyo Mas’uuliin iyo aqoonyahanno kale ay muddo ka codsanayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare, Madaxa Xukuumadda, si hawlaha dowladda federaalka loo socodsiiyo. Magacaabista RW aad ayey u daahday, arrimo badan oo sharcidarro ahna waa dhacdeen.
Bilowgaba, saddexda qof ee khatarka ku ah xilgudashada hufan ee RW Roble waa (1) Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo oo asaga magacaabay, (2) Fahad Yaasin oo ah Taliyaha hay’adda Nabadsugidda, iyo (3) Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibrahim Muudey, Guddomiye Ku Xigeenka Golaha Shacbiga oo talada dalka la wadaaga Madaxweyne Farmajo. Sababta waxay tahay in saddexdaas mas’uul loo aaneynayo fashilka iyo xadgudubyada aan horey loo arag ee dowladda Madaxweyne Farmajo, qayb libaaxna ku leeyihiin eedeymaha xilka looga qaaday Xukuumadda RW Xassan Cali Kheyre, haseyeeshe noqdeen milkiilayaasha lama taabtaanta ah ee dowladda Soomaaliya. Xogta waxay sheegeysa in Fahad Yaasin, Cabdiweli Sheikh Ibrahim, Cabdirizaq Caato oo jaal la ah Farmajo iyo Fahad, iyo Maamulaha Mashaariicda dowladda Qatar, ay ka dambeeyeen magacaabista RW Roble.
Habka tartanka xukunka Soomaaliya wuxuu noqday in koox danwadaag ah qabsato xukunka dalka, iska indhatirto u hoggansanannata sarreynta sharciga, sinnaanta iyo cadaaladda, ilaalinta nidaamka dowladnimo, danta caamka ah, iyo karaamda bulshada. Sida la sheegayo, RW Maxamed Roble wuxuu ka mid ahaa, xiriir soke la lahaa Xubnaha/shakhsiyaadka horboodaya dowladdii 2012 iyo tii 2017 oo marna kala baxayaan, marna isu soo hiloobayaan. Madaama lagu jiro waqti loo tartamayo xukunka, waxaa si dhaqsa ah bannaanka u soo bixi doono dhinaca RW Maxamed Roble la safan yahay.
Mushkiladaha ka sugaya RW Robole xalka waxay u qaybsan yihiin:
1. Fashalkii iyo dhibaatooyinkii xilka looga qaaday xukuumaddii RW Xassan Cali Kheyre iyo dhibaatooyin raalli looga ahaa sida cabashada jidadka xiran ee Muqdisho, dhibaatada ka taagan ciidammada – xoogga dalka, nabadsugidda, booliska-, dhibaatada garsoorka, khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, cadaalad darrada ka dhex jirta shaqaalaha dowladda federaalka, cabashada ka taagan imtixaanaadka waxbarashada Gobolka Benadir iyo Puntland, weerarrada Al Shabab oo aad u kordhay, cudurka COVID-19 iyo adeeg caafimaad oo aad u hoseeya, dhammeystir la’aanta dhamman howlihii mudnaanta lahaa 2017-2020, dhibaatooyinka aafeyay nolosha dadka saboolka ah, iyo fulinta barnaamijka deyn cafinta oo shuruudo adag ku xiran yihiin. Xukuumadda cusub waxay la wareegeysa fashilka xukuumadihii ka horreeyay, uguna dambeysay tii RW Xassan Cali Kheyre. Xukuumadaha waa qori isu dhiib.
2. Hirgelinta heshiiska doorashada dadban 2020/2021 oo dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waxaa jira shaki weyn ee laga qabo in Madaxweyne Farmajo daacad ka yahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda. Waxaa muhiim ilaalinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed oo si xad dhaaf ah loogu tuntay sanooyinkii la soo dhaafay.
3. Maareynta mashaakilaadka xukuumadda cusub soo foodsaari doona, kana dhalanaya wax qabad la’aanteeda, wax qabadkeeda qaldan, iyo dhalliilaha mucaaradka oo joogto ah. La shaqeynta dadweynaha ee dowladda federaalka waa arrin u baahan dadaal dheer madaama ay aad u liidato kalsoonida dadweynaha ku qabo dowladda federaalka.
Ma filayo in Madaxweyne Farmajo siin doono awood iyo madaxbannani xukuumadda cusub si ay wax uga qabato saddexkaas mushkilado inta waqtiga iyo kartideeda u saamaxayaan. Afartii sano ee la soo dhaafay ma muuqan dhaqan dowladnimo. Warar qarsoodi ah waxay sheegayaan in Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhawaan loo magacaabay Cabdirizaq Caato labo jeer shaqada laga joojiyay sababo la xiriira maamulxumo iyo ku takrifal awood xafiis.
Arrinta tijaabada noqon doonta waa dhismaha xukuumadda oo xildhibanno badan doonayaan inay ka mid noqdaan. Madaama muddo xileedka xubnaha barlamaanka ka harsan yahay 3 bilood, kana qayb galayaan tartanka doorashada 2020/2021, waxaa danta dadka iyo dalka soomaaliyeed ku jirta inaan dhammaan xildhibaannada Golaha Shacbiga iyo hal Wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddi kalsoonida laga noqday aan lagu soo darin xukuumadda cusub.
Waxaa kaloo muhiim ah in Taliska Nabadsugidda, Boolisksa, Militeriga, Maxkamadaha, Xeer Ilaalinta, iyo hay’adaha Maaliyadda lagu sameeyo isbeddello ballaaran si itijaah cusub loogu sameeyo xukuumadda dowladda federaalka. Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa tilmaami doona isbeddelka soo socda ama dhici kara.
W/Q : Dr. Maxamud M Culusow