Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Dagaalkan oo u dhexeeyay shacabka Somalida Iyo maleeyshiyaadka Oromada ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Maleeyshiyaadka Oromada ayaa caawa wereraray tuuloyinka Godane, Gubidlay iyo Dhabdiiga oo udhow degmada Tuliguuleed siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo kusugaan degaanka. Dhanka Somalida waxba khasaare ma gaadhin lakiin waxa la dilay laba niin oo katirsan maleeyshiyaadka Oromada.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay mamuulka Mustafa Cagjar oo ku aadan weerarka ay maleeyshiyaadka Oromada caawa kusoo qadeen shacabka Somalida oo waxba galabsaniin.

Inta badan Maleeyshiyaadka Oromada ayaa weeraro ku qaada tuuloyinka udhow degmada Tuliguuleed siidi ay shacabka Somalida dhulka ka barakiciyaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.