Wararka naga soo gaadhaya gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya guddomiya ku xigeenka degmada Goofguduud Buureey Cabdulqaadir Adam Nageeye ayaa dil ka badbaaday xili ay safar ku jireen.

Ilo wareedyo ayaa Halgan Media u xaqiijiyay inuu guddomiye ku xigeenka degmada Goofguduud Buureey iyo ragii ilaalada u ahaa ay rasaas la kulmeen xili ay ku socdeen degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana la sheegay inuu rasaasta furay dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab.

Waxaana rasaasta ku dhaawaacmay guddomiye ku xigeenka degmada Cabdulqaadir Adam Nageeye iyo mid kamid ah ilaaladiisa, waxaana la sheegay inuu guddomiyaha gaadhay dhaawac culus kadib markii ay rasaasta ku dhacday, waxaana la sheegay inuu guddomiyaha cafimadkiisa hada aad u liito sida ay sheegeen ilo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo.

Weli ma cada sababta uu guddoomiyaha Cabdulqaadir Adam Nageeye iyo ilaaladiisa safar ugu baxeen dhanka degmada Bardaale, hase yeeshee gobolka Bay waxay kamid tahay meelaha ugu qatarsan dalka Soomaaliya maadaama ay gobolka intiisa u badan gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.