Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO/ONLF) ayaa ka jawaab celisay kadib markii ay Itoobiya shalay sheegtay in ay furayso xafiis u gaar ah dhamaan ururadii hubaysnaa ee heshiiska uu dhexmaray.

Jabhada ONLF oo ka jawaabaysa mashruucan ay Itoobiya damacsan tahay in ay ku talaabsato ayaa barta ay ku leedahay Twitter ka waxa ay ku baahisay qoraal ay jabhadu ku cadaynayso mawqifkeeda ku aadan qorshaha Itoobiya ee sheegaya in dhamaan Jabhadaha hubaysan oo ay JWXO kamid tahay uu heshiis dhex maray.

ONLF ayaa qoraalkan ku sheegtay in uusan jirin wax wada hadal ah oo dhexmaray Jabhada ONLF iyo maamulka uu madaxa ka yahay ra’iisul-wasaare Abiy Axmed.

Qoraalkan ayaa imanaya maalin uun kadib markii ay sheegtay dawlada Itoobiya in ay furayso xafiis u gaar ah dhamaan ururada hubaysan ee dhawaan ay heshiiska wada gaadheen sida ONLF, OLF, Ginbot 7. Sida warbixinta Itoobiya lagu sheegay xafiiskan oo uu madax ka yahay nin lagu magacaabo Tesfaye Yegezu ayaa isku xidhi doona maamulka Abiye iyo Jabhadaha hubaysan, isla markaana ka shaqayn doona hub-kadhigista iyo dib-udajinta xubnaha Jabhadaha hubaysan, waa sida ay dawlada Itoobiya sheegtay e.

Waxaa kale oo ay Jabhada ONLF qoraalkeeda ku cadaysay in xabad-joojintii halka dhinac ahayd ee ay ku dhawaaqday bishan horaanteedii ay ku timid niyad samaan taas oo loogu gogol xaadhayo in si nabadgaliyo ah xal looga gaadho qadiyada Soomaalida Ogadenya ee ku aadan aayo-katashiga shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ahayn mid ku timid heshiis ay wada gaadheen labada dhinac.

Jabahada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa shacabkeeda iyo aduunkaba ucadaysay in uusan jirin wadahadal iyo heshiis dhex maray Jabhada iyo Dowlada Ibtoobiya balse uu jiro is afgarad in lawadahadlo ah oo laga wada shaqeeyo waxa dan u ah labada dhinacba.