Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in qaraxaasi lagu bartilmaameed saday Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Nabad sugidda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaanno Daallo  oo u dhaxaysa Isgooysyada Baar Ubax iyo Black Sea oo ka tirasan Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana la eegtay Ciidamo halkaasi ku sugnaa.

Qaarxa waxaa fuliyay qof haweenay ah oo sida la sheegay isku soo xirtay waxyaabaha Qarxa, isla mar kaana isku qarxisay goob ay ka ag dhawaayeen Ciidan dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda  Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in Qaraxaas lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda, oo sida la sheegay goobta ku sugnaa xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaana Magaciisa lagu soo koobay Caano Geelle.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in uu ahaa taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Halgan Media.