Booliska Federalka Itoobiya ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Rag Iibanayay, kadib howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Koonfurta magalaada Addis Ababa.

Afhayeenka Maamulka magalaada Addis Ababa oo la hadlay Warbaahinta FANA ayaa sheegay in howlgalladaasi laga samayaay xafaada “Tulu Dimtu“ lagu soo qabtay Maan Dooriye, sida Xashiish-ka.

Sidoo kale Afhayeenka Mamuulka Addis Ababa  ayaa xusay in gacanta lagu hayo Shaqsi oo ka Ganacsanayay Maan Dooriyahaasi.

Hay’adaha ammaanka ayaa dhowr jeer soo bandhigay Maan Dooriye iyo Shaqsiyaad ka Ganacsanayay, kuwaas oo la sheegay in ay khatar ku yihiin ammaanka Magaalada Addis Ababa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media