Wararka naga soo gaadhaya gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in la qabtay Gaadhi laga soo buuxiyay hub iyo rasaas.

Ciidamada Booliska ee ismamuulka Gambella ayaa gacanta ku dhigay 52 Qoryo iyo raasas aad u badan. Hubkan waxaana lagu wadaa baadhitaan ku saabsan hubkan meesha laga keenay iyo meesha lagu waday. Ma’aha markii koobaad ee hub noocan oo kale ah la qabtay waxaana marar badan lagu dhigay gacanta hub noocan oo sharci daro ahaa.

Xaalada Itoobiya ayaad moodaa mid kasii daraysa ayadoo xaalku u hanaan ekaaday in la isu hub aruursanayo. Khilaafka u dhaxeeya Qomiyadaha degan Itoobiya ayaa aad usoo badanaya waxaana ayagoo laga cabsi qabo inuu Itoobiya ka dhaco dagaal Sokeeye.

Hoos ka Daawo Sawiirada