Sida ay sheegtay idaacadda BBC ee laanta af Amxaariga, idaacad ay leedahay dowlada Itoobiya oo loo yaqaan FANA ayaa albaabada u xirtay xafiskooda ku yallo magaalada Maqaale ee xarunta gobolka Tigreega.

Weli lama shacin sababta xafiiska FANA ee gobolka Tigreega albaabada loo xiray, balse muddooyinkii u dambeeyay xiriirka udhaxeeyo Kooxda TPLF iyo dowlada dhexe ayaa aad usii xumaanayay.

Arintaan ayaa kusoo beegantay safar uu ra’iisal wasare Abiy Ahmed ku tagay dalka Eritrea, taas oo ay dad badan aaminsan yihiin inuu yahay mid latashi uu kala sameynayo madaxweynaha dalka Eritrea sidii uu u xakamayn lahaa kooxda TPLF oo caqabad ku noqotay maamulkiisa.

Halgan Media.