Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada ayaa sheegaya inuu xasuuq baahsan iyo isir sifeen ka socdo gobolka Arsi oo ka tirsan Ismaamulka Oromada sida ay sheegtay idaacada VOA ee laanta Amxaarada.

Gobolka Arsi oo Ku yaallo bariga Ismaamulka Oromada waxaa la bilaabay in la beegsado dadka kasoo jeedo qowmiyada Amxaarada iyo guragada, waxaana la bililiqaystay Dukaamo iyo guryo ay dadkan leeyihiin sida ay hadalka u dhigeen idacada VOA ee laanta Xabashida.

Tuulada Dheere oo hoos timaado degmada Dodota ayaa la sheegay in ugu yaraan 20 qof lagu dhex toogtay tuulada, waxaana guud ahaanba Itoobiya lagu dilay 239 rabshadihii u dambeyay asbuucaan.

Halgan Media.