Xukuumada Abiy Ahmed waxay bilowday inay xabsiyada kasii deyso in ka badan 4000 maxaabiis ah si looga hortaggo in cudurka Corona uu ku faafo gudaha xabsiyada dalkaas.

Maxaabiista lasii deynayo ayaa ah kuwa loo heysta dambiyada fudud iyo dumarka maxaabiista ah ee wata carruurta.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli gobolka Tigreega uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana kamid ah in la xiray suuqyada iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan si looga hortaggo cudurka Corona.

Itoobiya waxaa laga xaqiijiyay 12 kiisas oo Coronavirus ah balse ma jirto cid cudurka ugu dhimatay halkaas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.