Xukuumada gumeysiga Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ethiopia taageerta ee Fana ee fadhigeeduyahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay al-shabab qorsheynaysayinay ku qaadaan guutada ciidamada Itoobiya kusugaan gudaha Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay in duqeynta sidoo kale lagu burburiyay laba gaari oo uu hub ugu rarnaa Al-shabab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.