Jabhadaha kala ah Ginbot 7 iyo Arbegnoch aya goordhawayd kala baxay kadib kudhawaaqidii ahayd inay wadankii dib ugu laabanayaan si Nabad ah na Hawlahooda Siyaasadeed ku fushanayaan. Wargays kaso baxa Dawlada aya shegay in Jabhada Arbegnoch ay Gabi ahaan ba ka baxday Jabhada Ginbot 7 oo ay xulufo ahaayeen.

Gudomiyaha Jabhada, Mengistu Woldeselassie aya shegay sababta keentay inay labadan Jabhadood kala baxan isago xusay sababta kuna tilmaamay Dhanka Dhaqaalaha iyo dhanka Xukunka.

Arbegnoch iyo Ginbot 7 aya aha Xulufo ku midoobay raadinta rabitanka Shacabka Amxaarada iyadona Ka hawl gali jiray Gobalada Amxarada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.