Siyaasiga Soomaaliyeed Faarax Macallin ayaa si aan caadi ahayn uga hadlay jaceylka ay dadka reer Eritrea u qabaan umadda Soomaaliyeed.

Faarax Macallin oo caan ku ah naceybka Itoobiya iyo hadallada aan gambashada lahayn ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya.

Macallin oo si gaar ah uga faalooda is beddelada ka dhaca siyaasadda gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan hoose.

“Eritrea waa dalka qura ee aduunka ku yaal ee jaceyl xad dhaaf ah oo shuruud la’aan ah u qaba Soomaalida oo ay sabab u tahay sooyaalka iyo halganka ay wadaagaan. Dukaanleyaal saddex kala duwan ah oo ku yaal Asmara ayaa dhawaan mar ay ii aqoonsadeen in aan ahay Soomaali hab isiiyey oo ugu soo xoomay jaceyl dartiis. Wey ii ogolaan waayeen in aan iska bixiyo lacagtii aan ku dukaameystay”.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo uu shalay soo gunaanay madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah oo uu saddex cisho ku joogay dalka Eritrea kaddib markii uu casumaad ka helay dhiggiisa Isias Afwerki.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.