Wararka naga soo gaadhaya magaalada DebreBirhan Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in uu banaanbixii baryahan kasocday magaalada uu kufiday dhamaan Degmooyinka udhow magalaada.

Sida warku sheegayo banaanbaxan oo maraya maalintii 2aad ayaa hada gaadhay meel halis ah wuxuuna gacan kahadal xun dhex marayaa ciidanka Ismaamulka Axmaraada ee aagaas kusugan iyo banaan baxayaasha xabashida ah oo ku hor jeedo dagaalka lagu haayo Axmaraada degan Waqooyiga Gobolka Shoa (Shewa).

Ilo lagu kalsoon yahay oo kusugan magaalada DebreBirhan ayaa sheegaya in ay ciidanka Militariga xakamayn waayeen dibad baxayaasha sida daadka usocda ee cadhaysan waxayna Ilo wareedyadu sheegayaan in ay banaan baxayaashu sii xoogaysten.

Hoos Ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.