Ciidamada badda ee mamuulka Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya la magac bahday Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan 22 Kalluumeysato u dhashay dalka Yaman oo ka kalleemeysanayay Xeebaha Waqooyiga Soomaaliya.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Karin ee Waqooyi Galbeed sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda. Waxa  sidoo kale la sheegay in 22 kalluumeysatada ah baaris ay ku socoto,isla markaana dhawaan Maxkamad lahorgeyn doono,waxana uu u digay Ajaanibta sida Sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha Waqooyiga Soomaaliya.

Guud ahaan Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa jira kalluumeysato Ajaanib ah oo sisharcidari ah uga kalluumeysta,waxaana sidoo kale ku sugan Maraakiib Shisheeye oo iyana kalluumeysta balse ay sheegaan in ay la dagaalamayaan burcad badeeda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.