Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Gumaysiga Itoobiya kusoo gabagaboobay shir ay yeesheen ururka EPRDF ee talada Gumaysiga  Itoobiya hayay 28dii sano ee lasoo dhaafay.

Sida xogta aan kuhelay kulanka ayaa ahaa mid xaasaasi ah waxaana mudadii uu socday lagu gorfeeyay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadanka looga saari lahaa marxalada qalafsan ee uu kujiro iyo sidii farta loogu fiiqi lahaa cida kadambaysa qaska iyo qalalaasaha wadanka.

Kulanka saxaafadu ay dibad joog ka ahayd ayaa laga soosaaray qodobo dhowr ah oo intooda badan ay kusalaysan yihiin wax kaqabashada wixii dhacay iyo xalaada cakiraan ka tagaan gudaha Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.