Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii maanta  weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Koolonyo ay La socdeen Ciidamada Itoobiya gudaha degmada Muji ee gobolka Wollega.

Waxaana la sheegay in weerarkaasi uu  ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Laanta afka Oromada ee BBC ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen 6 Qof oo dhamaan ay yihiin dad shacab ah. Waxaana sidoo kale uu tilmaamay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 2 kale oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa  gobolka Wollega ka dhacayay falal liddi ku ah amaanka, sida weeraro iyo dilal qorsheysan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.