Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Dembi Doolo ee ismamuulka Oromada.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Goddomiyaha degmada Dembi Doolo, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Ammaanka degmada Dembi Doolo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka waday Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.