Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan maanta ay ka fuliyeen magalaada Gonder ee ismamuulka Axmaraada.

Weerarka oo ahaa mid  xoogan ayaa la sheegay in lagu qaaday ciidamada ismamuulka Axmaraada oo kusugaan magalaada Gonder oo katirsan Waqooyiga gobolka Gojam.

Weerarka waxa lagu dilay kornel ciidanka ismamuulka Axmaraada oo goobta dagaalka ku dhintaay.

Waxaa kale oo la xasuustaa in Asbuuci la soo dhaafay ay jireen weeraro iyo dhaawacyo kadhacay xubno katirsan ciidamada gaarka ah ee Amxaarada kana kala yimid kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanayniin.

Dhinaca kale guddomiyaha Xisbiga Oromo Federalist Congress (OFC),  Bekele Garba ayaa cambarayay weerarka lagu qaaday qowmiyadaha ka soo jeeda gobolka Amxaarada oo ay ku jiraan ciidamada gaarka ah.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ismaamulka Axmaraada ama Dowlada Federalka oo ku aadan weerarkaasi oo aan illaa iyo hadda la garanaynin heybta kooxdii ka dameysay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Med.