Kulankan oo xalay ka dhacay magaalada Johanneesburg ee dalka Konfuur Afrika una dhexeeyay Waxgaradka, Ganacsatada Soomaalida iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Africa ayaa looga hadlay dhibaatooyinkii ka soo gaaray ganacsatada Soomaalida Rabshadahii ka dhacay deegaanka Suweto ee dalka K/Africa.

Kulankaasi Masuuliyiintii ka qeybgashay oo uu ka mid ahaa Safiirka Soomaalida u fadhiya Dalkaasi Jamaal Maxamed Barrow, ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay guddi ka shaqeeya caawinta dadkii hantidooda lagu boobay iyo sidii loo caawin lahaa.

Waxgardka iyo Ganacsatadadii kulanka ka qeyb gashay ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi, waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in guddiga la magacaabay uu wax badan ka bedali doono dhibaatooyinka lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa la’isla gartay intii uu socday kulanka in la sameeyo goobo la dhigo waxyaabihii laga soo badbaadiyay qolyihii wax boobayay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.