Wararka laga helayo gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inay Dowlada federalka khadka ka saartay labo warbaahin oo maxali ah oo laga leeyahay Ismaamulka Tigreega.

Sida ay sheegtay idaacada VOA ee laanta Amxaarada, idaacada Tigray Regional State Television iyo Dimtsi Weyane ayaa khadka laga saaray, hase yeeshee Dowlada Itoobiya weli ma sheegin sababta loo xiray idaacadahaan.

Arintan ayaa timid dhowr cisho kadib markii hawada laga saaray Oromo Media Network, waxayna dad badan aaminsan yihiin in xukuumada Abiy Ahmed ay ka dambeyso qor shahaan lagu beegsanayo war baahinta.

Halgan Media.