Wararka naga soo gadhaaya magalaada Jigjiga ee Xaruunta gobolka Fafaan ayaa sheegaya dhibaatooyin baahsan oo ay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Jigjiga.

Ilo-wareedyo aad loogu kalsoonaan karo oo Halgan Media lasoo xidhiidhay ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska xalay guriga kala baxeen 5 dhalinyaro ah oo aan waxba galabsaniin, kadibna xabsiga u taxabeen. Dhalinyarada la xidhay ayaa la sheegay inay kasoo wada jeedan degaanka Tuliguuleed.

Dadka la xidhay waxaa kamid ah.

  • Samatar Roble
  • Ahmed Sulub
  • Cumar Cidiris
  • Cali Jowhar

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa mar walba dhibaatooyin badan oo ku hayaan dadka shacabka ah ee aan is difaaci karin gaar ahaana haweenka odayaasha caruurta iyo dhalinyarada.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socon siin doonaa.

Halgan Media.