Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen degmada Yucub ee gobolkaasi.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa kala dhexgalay Labo beelo oo maanta is-hor fadiyay siidi ay sheegan dadka degaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Yucub.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah uga socda qabalaha Tuula-Muran oo katirsan degmada Yucub.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.