Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa lagu soo warramayaa in saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Doolo.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda duleedka magalaada Wardheer, gaar ahaan deegaanka Mir Khalifo ee gobolkaasi.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa la sheegay in ay howlgallo ka wadaan nawaaxiga deegaankaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la halday Halgan Media ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gobolka Doolo ee bariga Ogadenia.

Shalay ayey aheyd markii ugu yaraan 10 Qof Ku dhintaay dagaal xoogan oo dhex maray laba Maleyshiyo beleed Ku dhaqaan degmada Mir Khalifo.