Wararka naga soo gaadhaya gobolka Doolo gar ahaan magalaada Wardheer ayaa sheegaya in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay kala baxeen gurigiisa nin shacab ah, kadib xabsiga u taxabeen.

Ninkan shacabka ah ayay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska gaysteen xero ciidan oo ku taala magaalada Wardheer waxaana magaciisa naloogu sheegay Mustafa.

Ciidamada bahaloobay ee Liyuu Booliska oo ka howlgallo gobolka Doolo ayaa waxay wadaan mudooyinkii ugu danbeeyayba Xadhig baahsan oo ay ku hayaan dad shacabka ah oo aan waxba galabsanin.

Lama oga ilaa iyo haatan inuu nool yahan iyo in kale ninkan shacabka ah ee Liyuu Booliska la baxeen.

Hoos Ka Daawo Sawiirka

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.