Ciidamada Liyuu Booliska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo raaf ah ka bilaabay qabalaha Dhuure oo hoos yimaado degmada Kudunbuur katirsan gobolka Qorahay.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen gudaha qabalaha Dhuure ee gobolkaasi.

Dad isugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley oo ku sugnaa halkaasi ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamadu ay kaxeysteen.

Weli lama ogow sababta dadka loo kaxaystay, siido kale mamuulka gobolka Qorahay kama hadlin tacadiyada cusub ee Liyuu Booliska ka geysten qabalaha Dhuure.

Halgan Media