Wararka nagasoo gaadhay gumeysiga Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay heleen Meydka Madaxii Biyo Xireenka ee gumeysiga Itoobiya.

Simegnew Bekele ayaa la waayay Saacaddihii lasoo dhaafay waxaana hadda la helay, isaga oo Meyd ah oo gaarigiisa ku dhex jira. Meydkiisa ayaa laga helay fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa, booliiska ayaana baaritaanno billaabay. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.