Warar lagu kalsoon yahay oo aan Jigjiga ka helnay aya waxay shegayan in Madaxii hore ee Jeel Ogaden iyo Jeelasha Guud ba magalada Jigjiga lagu xiray.

Shamaaxiye Shekh Farah oo aha Korneel katirsana Ciidama New Police ahaa na Madaxa Jeel Ogaden aya xilkii laga qaaday Lana Xiray. Xarigan iyo Xil ka qaadista aya imaanaysa Xili isbuuc ka hor uun laga jooga xiligi iridaha la isugu laaban Jeelka Wayn ee Jeel Ogaden.

Jeel Ogaden aya ahaa Jeel aad u ciqaab daran oo ay ka dhici jireen Dhil, Kufsi iyo Dhibaatoyin kale oo badan kuwas oo lagula kici jiray Shacabka kudhaqan Gobalka Ogaden. Xariga Shamaxiye Wuxu tusaya in talaabo hor loogu qaaday Dhanka Cadaalada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.