Madaxweynaha Ismaamulka Amharada Gedu Andergachew oo bayaan saxaafadeed kasoo saaray xasuuqi Arbacaadi kadhacaday galbeedka Gondar,

Waxaay ahayd Talaabo masuuliyad daro kujirto, cidii talaabo masuuliyadaro qaadayna waa in lagula xisaabtanaa ayuu yidhi Gedu Andergachew.

Madaxwaynaha Amharada ayaa sheegay in ugu horayn ay khaladtahay in shirkad kuhawlan shaqo dawladeed oo sharci ah ladhibaateeyo, wuxuu raaciyay in shaqadii ay shirkada, Sur Construction kawaday Ismaamulka Amharada ay uwadi wayday caqabad dhanka amniga ah sidaa daraadeedna shirkadu goosatay inay qalabkii halkaa kayaalay iyo gaadiidkii uwareejiso Degmada Armacho oo mashruuc kale ay kawaday shaqaduna sicaadiya u socotay.

Gadu ayaa sheegay in ay jiraan dad bulshada jaah wareerinaya oo shacabka kadhaadhiciyay in shirkadani hub iyo lacag wado kadibna shacabkii ayaa bilaabay inay gaadiidkii shirkada jidka uistaagaan oo yidhaahdaan waan baadhaynaa gaadiidkiina iyadoo xaalada amni xumo ee gobolka kajirta awgeed ay shirkada weheliyeen ciidamada milatariga oo amaankeeda sugayay.

Waxay ahayd arin khaldan in iskudhac uu dhexmaro ciidanka iyo shacabka, waxaa muhiima in bulshadu kataxadarto habka ay uwajahayaan ciidanka, sidookale waxay ahayd in ciidanku dulqaad muujiyo waxwalbana wadahadal kuxaliyo.

Majiro waxaan wadahadal iyo dulqaad lagu xalinkarin waxwalba oo yimaada in ciidanku xoog adeegsado sinaba sax uma ahayn waxayna arintaasi galaafatay dad masaakiin ah oo aan xitaa isku dhaca shaqo kulahayn ayuu yidhi.

Gadu ayaa utacsiyeeyay eheladii iyo qoysaska dadkii Arbacaadi la xasuuqay, wuxuuna sheegay in Dawlada dhexe arintan usaartay gudi si dhakhso ah usoo baadha islamarkaana suurtagaliya in cidii talaabo sharciga garabmarsan qaaday ciqaabteeda lamariyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.