Kadib mudo todobaadyo ah oo jahwareer iyo rasbshado salka ku haya loolan siyaasadeed ee ka taagnaan dalka Aljeria ayaa arrintaasi soo afjarantay,kadib markii uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degay madaxweynaha 82 jirka ah ee dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi Aljazerra ayaa shaacisay in madaxweynihii dalkaasi Abdelaziz Bouteflika uu si rasmi ah ugu dhawaqay in uu iscasilay,kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

Waxaa dastuurka dalkaasi uu qabaa in xilka uu sii hayo guddoomiyaha Baarlamanka Dalkaasi,ilaa 90 casho kadibna doorasho madaxtinimo la qabanayo,waxaana haatan degan xaaladda dalkaasi,islamarkaana ay istaageen rabashadihii badnaa.

Wuxuu dalkaasi xukumayay Madaxweyne Bouteflika ilaa 20 sano,, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood,wuxuuna dalkaasi ka soo saaray marxalado kaladuwan,sida dagaalo dhiig badan uu ku daatay oo u dhexeeyey Militariga dalkaasi iyo xisbiyo siyaasadeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.